Monday, July 14, 2025

Dad dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray dabaaldegga Madaxweynaha cusub ee Farmaajo

Qasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay isu soo baxyo aan cidna abaabulin oo xalay iyo maanta  ka dhacay magaalooyin badan oo ka mid ah gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya.

Dibad baxyada ayaa bilowday isla markii lagu dhawaaqay inuu doorashada madaxweynaha ku guuleystay Maxamed C/llaahi Farmaajo. Meelaha dadka ku dhinteen waxaa ka mid ah  degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galguduud, waxaa halkaas ku dhintay hal qof dhowr qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib rasaas loo furay dabaaldegga Farmaajo.

Magaalada Baydhaba ayaa laba qof lagu dhaawacay, halka degmada Badhan ee Gobolka Sanaag iyaha lagu dhaawacay dhowr qof oo kale, halka Muqdisho ay dhaawacyo ku gaareen dhowr qof, waxayna dhaawacyadu ka dhasheen rasaas si xad dhaaf ah loo riday.

Farmaajo ayaa xalay ka codsaday dadka inay is dejiyaan, wuxuuna ciidamada ku amray inay joojiyaan dab-ridka amarkaas oon la qaadan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON