Sunday, June 22, 2025

Dadka Caasimadda Addis Ababa oo Hubkooda la diiwan gelinayo si ay dagaal ugu diyaar garoobaan

Maamulka caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa maanta ugu baaqay in dadka degayan magaaladasi ay diiwaan geliyaan hubkooda labada maalmood ee soo socota.

Ddakan ayaa laga rabaa inay ka qeyb galaa difaaca magaalada, kadib markii ciidamada fallaagada ee kasoo jeeda Gobolka Tigray ay qabsadeen magaallooyinka Gobolka Amxaaradda ee Dessie iyo Kombulcha oo 380 km (235 miles) waqooyi ka xigta caasimada Itoobiya.

Waxa sidoo kale Addis Ababa lagu xir-xiray Dadka kasoo jeeda Qowmiyada Tigreega, iyadoo ay Itoobiya kusii dhaceyso dagaal sokeeye iyo qalalaase weyn ayaa waxaa socda dad badan oo ka baxaya dalkaasi.

Ad

Baaqa maamulka caasimada Itoobiya ayaa ka danbeeyay markii Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu dadka Itoobiyaanka ah ugu baaqay inay qaataan hubkooda iyo wax kasta oo ay heli karaan si ay uga hortagaan kooxda Tigray ee TPLF.

Jahbadda Tigray sidoo kale la ayaa sheegay inay la xiriireen dagaalyahano ka tirsan ciidamada Oromada ee dagaal kula jira dowladda Itoobiya, waxayna sheegeen inay ka fikirayaan inay socod ku galaan caasimadda.

Oromada waa qowmiyadda ugu weyn Itoobiya. Qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyayaashooda siyaasadeed ayaa hadda ku jira xabsi.

- Advertisement -

Colaadda Itoobiya ayaa ku dhawaad ​​400,000 oo qof oo Tigray ah ku keentay macaluul, waxaana ku dhintay kumannaan rayid ah, iyadoo ku qasbay in ka badan 2.5 milyan oo qof oo ku nool waqooyiga Itoobiya inay ka barakacaan guryahooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON