Sunday, June 22, 2025

Dadka degan 3 Degmo oo loo xayiray xafladii Afurka ee RW Xamse u tegay degmada Kaxda

Dadweynaha degan degmooyinka Wadajir, Dharkeykeynley, Kaxda iyo qeybo ka mida degmooyinka Hodon iyo Dayniile ayaa galabta ilaa caawa u xayirnaa munaasabad ka dhaceysay degmada Kaxda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa degmada Kaxda uga qeyb galay Kulan Afur Wadareed la sheegay in lagu muujinayey amniga iyo horumarka ka ka jira Caasimadda, balse waxaa dhacday in kumnaan dad ah oo sooman lagu qabsay ina u lugeeyaan xaafadahooda.

Waxaa 5:00 Galabnimo la xiray gebi ahaan wadooyinka gala degmooyinka Kaxda, Dharkeyley iyo Wadajir, iyadoo la joojiyey gadiidkii dadweynaha, taasoo keenay inay dadkii maanta Soomanaa ay u lugeeyaan degaanadooda.

Ad

Kulanka afurka ee ka dhacay degmada Kaxda waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay, wasiirka arrimaha gudaha, Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kal duan, wuxuuna Ra’iisal wasaare Xamse sheegay inay degmada Kaxda iyo guud ahaan Muqdisho amniga la sugay.

Ra’iisal wasaarha wuxuu ku dooday in horumarka degmada ay qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amni ee jira, taas oo keentay in lala affuro bulshada Kaxda oo kamid ah degmooyinka dhaca cirifyada.

Isaga oo intaas ku daray in amniga caasimaddu uusan hagaageen haddii aan laga caqabado badan dhowr ah oo kala ah, Khawaarijta, Ciyaal-weerada, hubkii magaalada lagu dhex watay iyo nidaaminta Bajaajta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON