Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 47 qof oo laga helay cudurka COVID-19 ah, iuadoo tirada da ku nool gudaha Soomaaliya ee cudurka uu soo ritay ay sare u dhaaftay 2000 ruux.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay 28 qof ka mida 47 qof oo cudurka laga helay ay joogaan Somaliland, halka Banaadir laga helay 9 qof, Puntiland oo 5 ruux ah, iyo Jubbaland oo 5 qof laga helay cudurka.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa cudurka Coronavirus u geeriyooday hal qof, iyadoo ay ka bogsoodeen 13 ruux oo hor leh. Tirada ee dadka laga helay COVID-19 gudaha dalka Waxay gaartay 2,023 qofi, waxaana dadka udhinay ay hadda yihiin 79 ruux halka ka bogsoodeen 361 qof.
