Monday, July 14, 2025

Dadka lagu laayay weerar ka dhacay Masjid ku yaalla Dalka Masar oo gaaray 155 qof [Sawirro]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar Rasaas iyo qaraxyo isugu jira loo adeegsaday lagu  qaaday Masajid ku yaalla gobolka waqooyiga Sinai ee dalka Masar.

Wararkii ugu danbeeyay ee weerarka ayaa sheegaya in dadka lagu dilay ay gaareen 155 iyadoo dhaawacyna ka badan yahay 120 kale. Weerarkan ayaa waxaa geystay dabley, wuxuuna ka dhacay magaalada  Al-rawda  ee Galbeedka Al-Cariish, waxaana la sheegay in weerarka uu dhacay iyadoo dadku  dhacay xilli ay dadku salaadii Jimcaha ku jireen.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa cambaareeyay weerarkan dadkii ugu badnaa lagu dilay, waxaan soo dhacay warar dheeraad ah oo ku saabsan qaabka weerarka u dhacay iyo dableyda geysatay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka masjidka ku tukanayay ay ka mid ahaayeen askar ka tirsan ciidamada dalka Masar. Waxaa lagu dhawaaqay xaalad degdeg ah, iyadoo Madaxweyne Cabdul Fattax Al Sisi isugu yeeray talisyada amniga.

Illaa iyo hadda lama oga cidda masuulka ka ah weerarkan Jimcaha, waxaana la filayaa inay ka danbeeyaan kooxaha xagjirka ah ee ka howlgala degaankaasi oo raacsan Daaacish.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON