Dadweynaha magaalada Gaalkacyo ee qeybta Puntland ayaa dalbaday in cadaaladda la hor keeno dadkii ka dambeeyay tacadigi iyo dilkii naxdinta lahaa ee loo geystay gabar 12 sano jir ah oo meydkeeda lasoo dhigay gurigooda hortiisa markii ku dhowaad 24 saacadood la waayey.
Caa’isha Ilyaas Aadan ayaa shalay subax la waayay, kadib markii ay ka timid iskuul ay dhigato oo ay adeeg u doonatay suuqa, iyadoo markaas kadib laga baafiyey idaacadaha magaalada Gaalkacyo iyo baraha bulshada, kadibna salaadii subax ka hor meydkeeda lasoo dhigay xaafadii ay deganeyd.
Meydka oo la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo ayey sheegeen dhaqaaatiirta in si xun loo jir dilay, isla markaana loo geystay tacadi, taasoo keentay inay si weyn uga caroodaan dadka magaalada Gaalkacyo.
Guddi dhakhaatiir ah ayaa loo xil saaray iney baaritaan ku sameeyaan meydka gabadha yar ee Caasho Ilyaas Aadan oo dhaawacyo culus lagu arkay, sida uu sheegay Axmed Diiriye Sugulle oo ah Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.
Waxaa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo k dhacay bannanabax looga horjedo dilka iyo tacadiga loo geystay gabadha yar ee saqiirka ah. waxaama hween fara badan oo isu soo baxay ay dalbadeen in cadaalad
Waa falkii labaad ee noocan ah oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo, waxaana qeybaha kala dwan ee bulshada ay muujiyeen inaysan u dulqaadan karin falalkaasi, iyadoo maamulka magaalada iyo ciidamada amniga laga sugayo tallaabo lagu soo qabto dadkii geystay falkaasi.
