Dalka Mareykanka oo si xowli ah ugu fidayo cudurka Coronavirus ayaa noqday dalka ugu horeeya dunida ee dadkiisu sidaan cudurka Covid-19.
Dadka Mareykanka ee uu Coronavirus ku dhacay ayaa maanta sare u dhaafay 200,000 (Laba boqol kun oo qof), iyadoo geerida dalkaasi ay ka badan tahay 4000 qof, iyadoo laga digay in dad ka badan 100,000 qof uu cudurkani ku dili doono Dalka Mareykanka.
UK oo ay si xoog leh u sii kordhayaan dadka uu Coronavirus soo ridanayo iyo kuwa u dhimanaya ayaa laga diiwaangeliyay 24-kii saac ee ugu danbeeyay 563 qof oo geeriyooday , waxayna tirada guud ee dadka Ingiriiska ugu dhintay cudurkan ay gaareen 2352.
Spain oo ka mida dalalka ugu horeeya ee Yurub oo cudurka uu halakeeyay ayaa soo weriyey geeridii ugu badneyd 24 saac oo gaareysa 864 qof, waxaana dalkaasi cudurka sida dad gaaraya 102,136 qof.
Guud ahaan caalamka oo dhan waxaa cudurka Coronavirus xilligan qaba dad ka badan 921,924 qof waxaana laga yaabaa in isla berri uu gaaro Hal Milyan oo qof, iyadoo dadka u dhintay ay gaarayaan in ka badan 46,000, halka ay ka bogsoodeen ku dhowaad 193,000 qof.
HOOS KA AKHRISO LIISKA XOGT COVID-19 IYO DUNIDA OO DHAN
[cov2019]
[cov2019all]