Monday, June 23, 2025

Dadka qaba Cudurka Covid-19 ee Somaliya oo kor u dhaafay 1500 Qof

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay tiro dad cusub oo uu soo ritay cudurka Coronavirus 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Wasiirka Caafimaadka, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinteeda Maalinlaha ah ku shaacisay in 47 qof oo cusub laga helay cudurka COVID-19.

Waxay sheegtay in maamulka Puntland ugu horeeyo oo laga helay 19 kiis, halka Somaliland 8 kiis laga helay, Gobolka Banaadir-na laga xaqiijiyey 13 xaaladood, iyo Koonfur Galbeed oo iyana cudurka laga helay 7 qof.

Ad

Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya 19 May 2020, waxay ahayd sida hoos ku qoran:.

– Puntland: 19
– Benadir: 13
– Somaliland: 8
– Koonfur Galbeed: 7

Waxaa 24-kii saac ee la soo dhafay ka bogsaday: 15 qof, iyadoo ay u dhinteen 2 qof. Tirada guud ee dadka Covid-19 qaba gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,502 qof, halka geeriyda ay hadda tahay 59 ruux.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON