Dadka uu haleelay cudurka COVID-19 ee uu keeno Coronavirus ayaa dunida oo dhan gaaray in ka badan 1,000,000 (Hal Milyan) oo qof.
Sida ay muujineyso diiwaangelinta 180 dal laga sameeyay oo ay ururiyeen Jaamacadda ku taalla Mareykanka ee Johns Hopkins iyo wakaaladda wararka ee AFP ayaa lagu xaqiijiyey in markii ugu horeysay uu faafitaanka Coronavirus sare u dhaafay lix lambar isagoo halay tirada Milyan ka badan. Dadka u dhintay ayaa sidoo kale kor u dhaafay 50,000 qof.
Dalka ugu horeeya dadka sida cudurkan ayaa ah Mareykanka oo xilligan la xaqiijiyey inay qabaan dad ku dhow 235,000 qof, iyadoo uu kusoo xigo dalka Talyaaniga oo dadka sida cudurka ay ku dhow yihiin 115,500 qof.
Dadka cudurka COVID-19 ka bogsooday dunida oo dhan ayaa gaaraya 204,000. Mareykanka ayaa laga digay in dadka qaba ay gaari karaan 2 Milyan oo qof, ayna u dhiman karaan 100,000 ilaa 200,000 qof, yadoo 97% dadka Mareykanka ay guryahooda joogaan oo bandow lagu soo rogay.
Ilaa iyo hadda waxaa Mareykanka ugu dhintay cudurkan 5,316 qof, iyadoo uu si xowli ah u kordhayaan dadka qaadaya cudurka iyo kuwa u dhimanaya, siiba magaalada New York oo kala bar dadka qaba Mareykanka ay ku sugan yihiin.
HOOS KA AKHRISO XOGTA CUDURKA CORONAVIRUS & TIRADA DAL KASTA
[cov2019]
[cov2019all]
[cov2019map]