Qoraal kasoo baxay Hay’adda Nabadugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay inay tallaabo sharci ah ka qaadeyso weriyaha caanaka ah ee Haaruun Macruuf oo ka howlgala idaacadda Codka Mareykanka ee VOA-da.
Qoraalka NISA o koobnaa ayaa lagu yiri: “NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka..”
Hay’adda NISA ma faahfaahin xiriirada halista ku ah Amniga Qaranka ee uu leeyahay Weriyaha ruug-caddaaga ah ee ka shaqeeya Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, waxna ku qora qeybta Ingiriiska ee VOA, sidoo kalena ma cadda waxa ka dhaxeyn kara labada dhinac.