Maamul Goboleedka Puntland ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyay qaraxyadii dhowaan ka dhacay tuulada Af-urur ee Gobolka Bari.
Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Gaashaanle Dhexe C/rashiid C/raxiin Ismaaciil ayaa laga soo xigtay in dadkan loo qabtay qaraxyadii Af-urur ay isugu jiraan rag iyo dumar.
Dadkan oo tiradooda aan la shaacin ayaa baaritaanno lagu wadaa, iyadoo sharciga la horgeyn doono sida uu sheegay taliyaha.
Laba qarax oo loo adeegsaday Miinooyinka dhulka la geliyo ayaa lagu qaaday saldigga Af-urur 1-dii Seprember, waxaana ku dhintay askar iyo shacab fara badan.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyada Af Urur ee duleedka magaalada Boosaaso.