Tuesday, June 24, 2025

Dadweyne ka Careysan Sarkaal ay dileen Ciidamada dowladda oo Bannaanbax ka dhigay Magaalada Muqdisho

Dadweyne ka careysan dil dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa isugu soo baxay xaafad ka tirsan degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Dadweynaha bannaanbaxay ayaa kasoo horjeeday ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka  oo xaafadaasi dil ugu geystay sarkaal lagu magacaabi jiray Macalin Mingiste oo ka tirsanaa tababarrayaasha ciidamada dowladda ee saldhigga Warshadda Nacnaca, iyadoo markii dambe la sheegay inay dilkiisa ka dambeeyeen ciidamo kale oo ka tirsan dowladda.

Dadka banaanbaxaya  ayaa xiray waadda jayga ah ee Xaafada Kaawa Godeey, degmada Dharkenley, waxayna socod ku tageen xarunta degmada iyo Saldhigga iyadoo dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay sharciga hor keenaan ciidamadii ka danbeeyay dilka sarkaalka.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga dowladda iyo maamulka degmada oo ku saabsan dilka sarkaalkan oo dhacay toddobaadkii hore.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON