Friday, June 27, 2025

Dagaal afka ah oo Mareykanka iyo Ruushka ku dhex maray fadhiga Golaha Ammaanka

Dagaalkii ugu qaraaraa ee dhinac diblomaasiyadda ah ayaa dhex maray safiirada dalalka Mareykanka iyo Raashiya u fadhiya Qaramada Midoobay.

Xiisadda diblomaasiyadeed ayaa dhalatay kadib markii diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeeyeen shalay ciidamada dowlada Suuriya ee ku sugnaa magaalada Deyr-Asuur, taasoo keentay  inay dhintaan in ka badan 60 askari, isla markaana kooxda Daacish ay ka faa’iideystay.

smantha-vitalyKulan degdeg ay ayuu Ruushku isugu yeeray golaha ammaanka, waxaana kulankaasi ka dhacay dagaal afka ah, kadib markii safiirka Maeykanka ee UN-ka haweeneyda lagu magacaabo Samantha Power,  ayaa si ula kac ah uga dib dhacday kulankii golaha ammaanka, iyadoo taas bedelkeed shir jaraa’id u qabatay saxafiyiinta, kana sheegtay in Ruushku uu ku dhaqmayo laba-wejiilenimo ayna wax muhiimad ah lahayn kulanka uu isugu yeetay Golaha ammaanka.

Samantha Power waxay sheegtay inay ka xun yihiin askarta dhimatay, oo Mareykanku baarayo sida wax u dhaceen, laakiin waxay si weyn uga hor timid dhaqdhaqaaqa Ruushka wado.

Safiirka Raashiya ee Q/Midoobay ayaa Mareykanka ku tilmaamay inuu taageerayo Daacish. Vitaly Churkin wuxuu caddeeyay inuusan weligii arkin edab-darrada ay ku dhaqantay safiirada Mareykanka.

Xabadjoojin ay isla wadeen Mareykanka iyo Raashiya ayaa hadda qarka u saaran inay burburto, waxaana sii xoogeystay is-maandhaafka labada quwadood ee xaaladda Suuriya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON