Dagaal afka ah oo Mareykanka iyo Ruushka ku dhex maray fadhiga Golaha Ammaanka

Dagaalkii ugu qaraaraa ee dhinac diblomaasiyadda ah ayaa dhex maray safiirada dalalka Mareykanka iyo Raashiya u fadhiya Qaramada Midoobay.

Xiisadda diblomaasiyadeed ayaa dhalatay kadib markii diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeeyeen shalay ciidamada dowlada Suuriya ee ku sugnaa magaalada Deyr-Asuur, taasoo keentay  inay dhintaan in ka badan 60 askari, isla markaana kooxda Daacish ay ka faa’iideystay.

smantha-vitalyKulan degdeg ay ayuu Ruushku isugu yeeray golaha ammaanka, waxaana kulankaasi ka dhacay dagaal afka ah, kadib markii safiirka Maeykanka ee UN-ka haweeneyda lagu magacaabo Samantha Power,  ayaa si ula kac ah uga dib dhacday kulankii golaha ammaanka, iyadoo taas bedelkeed shir jaraa’id u qabatay saxafiyiinta, kana sheegtay in Ruushku uu ku dhaqmayo laba-wejiilenimo ayna wax muhiimad ah lahayn kulanka uu isugu yeetay Golaha ammaanka.

Samantha Power waxay sheegtay inay ka xun yihiin askarta dhimatay, oo Mareykanku baarayo sida wax u dhaceen, laakiin waxay si weyn uga hor timid dhaqdhaqaaqa Ruushka wado.

Safiirka Raashiya ee Q/Midoobay ayaa Mareykanka ku tilmaamay inuu taageerayo Daacish. Vitaly Churkin wuxuu caddeeyay inuusan weligii arkin edab-darrada ay ku dhaqantay safiirada Mareykanka.

Xabadjoojin ay isla wadeen Mareykanka iyo Raashiya ayaa hadda qarka u saaran inay burburto, waxaana sii xoogeystay is-maandhaafka labada quwadood ee xaaladda Suuriya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON