Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu duleedka magaalada Dhuusamareeb ku dhex maray Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaalkan ayaa ka dhacay degaanka Miirdugul ee koofurta magaalada Dhuusamareeb, waxaana weerarka qaaday ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, taasoo ka dambeysay weerarro iyo duqeyn ay Alshabaab maalmihii danbe ku qaadeysay Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.
Qasaare xoog leh ayaa la sheegay inuu ka dhashay dagaalka, sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan ciidamada Milatariga waxaa Alshabaab laga saaray degaanka Miir-dugul.
Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa sheegay inuu dhinacooda ka dhintay hal askari, dhinaca Alshabaab-na ay dagaalkan uga dileen dhowr maleeshiyo oo hore u qaateen.