Thursday, July 3, 2025

Dagaal Ciidamada dowladda iyo Alshabaab ku dhex maray Booco iyo Wararkii ugu danbeeyay

wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu ciidamada dowladda iyo Alshabaab ku dhex marayo Degaanka Booco iyo degaanka kale Samataro.

Dagaalkan ayaa yimid markii ay rogaal celin sameeyeen maleeshiyada Alshabaab, waxaana uu socday muddo saacado ah, iyadoo qasaare leh laga soo sheegay iyo daryanka hubka culus oo labada dhinac ay is weydaarsanayeen.

Dadka Deegaanka ayaa soo weriyey in dagaalku uu ahaa mid culus oo labada dhinac ay kala joogaan Booco oo ciidamada Dowlada iyo Maleesjiyada degaanka ku sugan yihiin, halka Alshabaab ay kusugan yihiin degaanka Samataro.

Ma jiro weli wax awar ah oo ka so baxya ciidamada dowladda iyo maamulka Hirshabeelle ama Gobolka Hiiraan ee ku sugan jiida hore ee dagaalka, iyadoo uu dagaalkan yimid xilli Taliska Xoogga dalka uu shaaciyey in la isku furay wadadda u dhaxeysa Beledweyne iyo Buuloburte.

War kasoo baxay Als-habaab ayey ku sheegatay in dagaalkii maanta ay ku dileen 18 askari ayna ku dhaawaceen 20 kale, isla markaana Saraakiisha ku dhaawacmay dagaalkii ay ka mid yihiin taliyihii ciidamada Gorgor eemaamulka Hirshabelle iyo madaxii Miina Baarka Danab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON