Monday, July 14, 2025

Dagaal ciidamada dowladda iyo Alshabaab ku dhex maray Gobolka Hiiraan

Warrka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ka dhacay degaanka Halgan ee gobalka Hiiraan uu dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

front-shab

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen qeyb ka mid ah degaanka Halgan oo hore ay uga baxeen ciidamo Itoobiyaan ah. Maxamed Cumar oo ka mid ah saraakiisha dowladda ayaa sheegay  in ciidamada dowladda ay billaabeen howlgallo ay ka sameynayaan degaano ka tirsan gobolka Hiiraan, sidoo kalena ciidamada ay ku guuleysteen dagaalkii Halgan.

Tirada dhimashada dagaalkan ayaa wararku sheegayaan inay gaartay 5 ruux iyo dhaawac ka badan. Dagaalada degaanada Hiiraan ayaa weli ka dhex socda dhinacyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON