Thursday, July 17, 2025

Dagaal Ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Suna ku dhex maray degaan hoostaga Dhuusamareeb

Iska hor imaadka labada dhinac ayaa yimid iyadoo dib loo abaabulayo ciidamadii kooxdii Ahlu suna ee Gobollada Dhexe.

Is-rasaasayn goosgoos ah oo u dhaxeysa ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa maanta ka dhacday degaanka Bohol oo 35 KM waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegeysa in ciidamada labada dhinac ay weli halkaas isku horfadhiyaan, islamarkaana ay xiisadda kacsan tahay, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee ay isku dhacaan laba dhinac.

Dagaalkan ayaa yimidm iyadoo madaxdii Ahlu suna lagu eedeeyay inay dib u abaabulayaan ciidamadii kooxda Ahlu-Sunna ee la kala diray. Lama soo werin qasaare ka dhashay iska hor imaadka, waxaase laga cabsi qabaa in xaaladu kasii darto.

Hoggaamiyayaasha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa toddobaad kahor dib ugu laabtay gobolka kadib in ka badan sanad iyo bar oo ay ka maqanaayeen, taasi oo ka dambeysay markii looga adkaaday dagaal ka dhacay Dhuusomareeb.

Saraakiisha sare ee ururka Ahlu Sunna ayaa 29-kii Febraayo 2020 isu dhiibay ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii uu dagaal dhex-maray maleeshiyaadka Ahlu Sunna iyo ciidanka qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna kadib isaga baxeen gobolka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON