Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal la isku gabal dhacsaday oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Buundada Araarre ee gobolka Jubbada Hoose.
Weerarkan ayaa waxaa si kedis ah u qaaday maleeshiyada Alshabaab markii ciidamo ka tirsan Jubbaland oo howlgal sahmin ah ka waday Buundada Araare ay weerarreen dagaalyahanada hubeysan ee ururka Al-shabaab.
Wararka aya sheegaya in ciidanka Jubbaland ee weerarka lagu qaadaya ay ka baxeen deegaanka Baar-sanguuni, ayna wadeen sahmin ku saabsan in sahay lala gaari karo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland oo ku sugan deegaano ku dhow degmada Jillib.
Dagaalyahano Shabaab ka tirsan oo ka badan 200 dagaalame ayaa la sheegay inay weerarka qaadeen, iyadoo dagaal culus ku dhex maray labada dhinac Buundada Araare iyo agagaarkeeda, waxaana ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray ciidamada Jubbaland ee wadada ku socdaalayey.
Ciidamada Jubbaland ayaa wararku sheegayaan in qasaare xoog leh kasoo gaaray oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, halk ay jiraan qaar nolol lagu qabsaday.