Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhex maray maleeshiyada Kooxda Ahlu suna iyo ciidamada dowlada ee taageersan Maamulka Galmudug kadib markii maleeshiyo kooxda Ahlu suna ka tirsan ay jidka u galeen kolonyo uu la socday Taliyaha ciidamada qeybta 21-aad ee Galgaduud Sulub Axmed Diriye.
Maleeshiyada Ahlu sunna ayaa weerarka ay ku qaaday taliyahan iyo ciidamada oo ku socday Caabudwaaq kana yimid Cadaado waxaa ka dhashay qasaare badan oo ciidan, waxaana taliyaha u suuragashay inuu is difaaco oo uu gaaro Caadbudwaaq.
Halka weerarka ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Laandeere waxayna u dhaxeysaa jidka la isaga socdaalo Cadaado iyo Caabudwaaq. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyada Ahlu suna ay ku khaldameen taliyaha ay weerarka ku qaadeen.
Goobjooge.com