Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kulul uga hor timid war uu shalay baahiyay Ra’iisal wasaare Cumar Cr/rashiid oo ku saabsanaa isbedel lagu sameeyo hogaanka sare ee dalka.
War uu soo saaray sii-hayaha agaasimaha warfaafinta madaxweynaha Shadoor Xaaji ayaa lagu sheegay in Ra’iisal wasaaraha ay ku haboon yahay inuu ilaaliyo anshaxa doorashooyinka iyo mas’uuliyadda uu weli u hayo dalka.
“Waxaa wanaagsan inuu Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid, ilaaliyo anshaxa doorashooyinka iyo mas’uuliyadda wali uu u hayo dalka ee Ra”iisul Wasaarenimo, ma wanaagsana in uu ololaha doorashadiisa shaqsiydeeyo” Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud
Agaasimaha ayaa difaacay waxqabadka madaxweyne Xasan Sheekh oo uu sheegay inuu u taagan ahay difaaca qaranimada dalka iyo diidmada faragelinta shisheeye.
Cumar C/rashiid ayaa magaalada Kismaayo ka sheegay in dalku u baahan yahay isbedel lagu sameeyo hogaanka sare ee dalka, wuxuuna sheegay in fashil weyn ku dhacay hogaanka dalka oo keenay is qabsi Ra’iisal wasaareyaal fara badan.
Goobjooge.com