Sunday, July 27, 2025

Dagaal Gobolka Hiiraan ku dhex maray Dad shacab ah iyo Dagaalameyaasha Alshabaab

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaal sababa khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaano katirsan Gobolkaasi, kaasi oo u dhexeeyay Maleeshiyad Alshabaab iyo dadka deegaanka.

Dadka degaanka ayaa sheega in  qof oo dad xoola dhaqato ahaa ku geeriyoodeen halka Alshabaabna uu so gaarey khasaare dhimasho iyo dhaawac kadib markii dagaal muddo kooban socday uu ku dhexmarey Alshababa iyo dad shacab tuulooyin hoostag deegaanka lagu magacaabo Buqa-qable.

Isku dhaca labada dhinac ayaa ka dambeeyey kadib markii dadka reer miyiga ah ay ka biyo diideen codsi uga yimid Alshababa ee ahaa in ay bixiyaan xoolo iyo dhalinyaro ay si qasab ah ku dagaal geliyaan.

Deegaanka Buqa-qable ayaa khayaas ahaantii wuxuu 90 KM dhanka Galbeed kaga beeganyahay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON