Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in iska hor imaad hubeysan uu caawa ka dhacay magaaladaasi.
Ciidamada iyo kooxo hubeysan ayaa dagaalka ku dhex maray duleedka magaalada, gaar ahaan isgoyska wadada laamiga ah iyo jidka Sodanka magaalada Boosaaso, iyadoo rasaas xoog leh la is weydaarsaday.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo ciidamo loo diray halkaasi.
Dhaawaca laba askari iyo 3 qof oo shacab ah ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka magaalada Boosaaso, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaruhu sii kordho.
Faahfaahin lagama hayo koxoda weerarka qaaday, iyadoo laga cabsi qabo inay yihiin maleeshiyada Daacish oo dhaqdhaqaaq ka waday degaankaasi.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhinteen 2 qof oo shacab ah.
Goobjooge.com