War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.
Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay jid-gooyo u dhigtay ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sii jeeday magaalada Jowhar, kana tegay Balcad ay weerar ku qaadeen Alshabaab iyagoo qoriga Baasuukaha la helay Gaari Cabdi Bille ahaa.
Dadka degaanka ayaa sheegay in gaariga ciidamada milateriga uu gubanayo, isla markaana dagaal culus uu halkaasi ka dhacay markii labada ciidan ay rasaas xoog leh is weydaarsadeen.
Ciidamo gurmad ah ayaa la sheegay in laga diray degmada Balcad, waxaana la soo weriyey inay jiraan qasaare ciidamada dowladda ah oo ku dhintay weerarka. Dagaalka labada dhinac ayaa weli socda, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan.