Wednesday, June 25, 2025

Dagaal ka dhex qarxay ciidamada NISA Galmudug iyo maleeshiy Beeleed

Wararka laga helayo  gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in deegaanka Godinlabe uu ka qarxay  dagaal u dhaxeeya ciidanka Nabad suggida maamulka Galmudug iyo maleeshiyo

degaan ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Maleeshiyada la dagaalameysa ciidamada ayaa la sheegay inay  jidgooyo ay lacag ku qaataan u taallay deegaanka Godinlabe, halkaasoo ay weerar ku qaadeen ciidamada NISA ee Galmudug.

Saraakiil Ka tirsan ciidanka maamulka Galmudug  ayaa sheegay in ay isku dayeen in ay qaadaan isbaarooyin dad lagu dhibaateynaayay oo yaalay deegaanka Godinlabe ka dibna maleeshiyaadkii isbaarada dhigatay ay ay dagaal kala hor yimaadeen ciidanka maamulka Galmudug.

Maleeshiyooyin beeleed ayaa inta badan Gobollada Dhexe xoog ku leh, kuwaasoo ku nool isbaarooyinka sharci darrada ah. Dagaalka ayaa qasaare ka soo gaaray labada dhinac waxaana lasoo weriyay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac.

Goojooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON