Thursday, June 26, 2025

Dagaal ka dhex qarxay Donald Trump & Warbaahinta Mareykanka [Sirtii Trump siiyay Ruushka]

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu macluumaad sir ah oo muhiim ah oo ku saabsan kooxda la baxday kooxda Daacish la wadaagay wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka sida ay shaaciyay warbaahinta Mareykanka.

Macluumaadkan ayaa laga helay dal ay saaxiibo yihiin Maraykanka lagamana helin ogolaansho ku aadan in lala wadaago Ruushka, sida uu baahiyay wargeyska Washington Post iyo wargeyska New York Times.

Trump ayaa todobaadkii hore Aqalka Cad ku qaabilay Sergei Lavrov. Saraakiisha ayaa diiday wararka warbaahinta laakiin masuul sare oo ka tirsan xisbga Jamhuuriga ee Trump ayaa dalbaday in faahfaahin laga bixiyo arrintan.

Lataliyaha Amaanka Qaramada Mareykanka H.R. McMaster iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Trump ayaa beeniyey waxa ka jira war ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayey in madaxweyne Trump uu siiyey xog sir ah oo muhiim ah saraakiil Ruush oo kusoo booqatay Aqalka Cad.

Isaga oo ugu warramayey wariyaasha banaanka Aqalka Cad, ayuu McMaster sheegay in warkaan oo markiisii hore ay faafisay jariirada Washington Post ayuu yahay mid been abuur ah.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson, oo isna goob jog ka ahaa kulan 10-ki bishii May xarunta Aqalka Cad ku dhexmaray Trump iyo wasiirka arrimaha dibada Ruushka, ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo ku saabsanaa khatarta argagixisada, balse uusan madaxweynuhu bixin sir.

Xiriirka saxaafadda Mareykanka inteeda badan iyo madaxweyne Trump ayaa ah mid aad u xun kadib markii madaxweynaha Ganacsadaha ahaa uu weeraray warbaainta Mareykanka isagoo ku sheegay inay been faafin ku dhisan yihiin, halkaasoo uu ka bilowday dagaalka labada dhinac oo meel sare hadda gaaray. Trump ayaa si gaara saaxiib qaar ka mida warbaahinta Mareykanka oo uu ugu horeeyo telifishanka FOX.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON