Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu dagaal culus ka qarxay saaka degaan u dhow magaalada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa ka socda degaanka Jicibow oo 30 KM dhinaca Waqooyi uga beegan degmada Buuloburte, kadiba markii au weerar kusoo qaadeen dagaalamayaasha Alshabaab, waxayna dadka degaanka sheegeen in la maqlayo qaraxyo iyo rasaas culus.
Weerar ayey Alshabaab soo qaadeen ayaa ku wajahnaa degaanka Jicibow oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee dagaalka kula jira Alshabaab.
Qasaaraha dagaalka ee dagaalka ayaan weli soo shaac bixin, waxaana la soo weriyey inuu jiro qasaare labada dhinac kala gaaray.
