Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya inuu dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka uu ka socdo degmada Wanlaweyn.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu dhex marayo ciidamo kala taabacsan Guddoomiyaha degmada Maxamed Siidow iyo ku-xigeenka dhinaca arimaha bulshada degmadaasi Axmed Kheyr oo isku heysa dhaqaalaha laga helo isbaaro lacag lagu qaado oo taalla degmada, iyadoo khilaafkoodu gaaray gacan-ka-hadal.
Waxaa gudaha degmada Wanlaweyn laga maqlay rasaas xoog leh oo dhalisay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo ay xaaladu kacsan tahay, waxayna dadka degaanka bilaabeen inay ka cararraan goobaha ay ku dagaalamayaan labada ciidan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in ilaa 4 qof ay ku dhinteen dagaalka oo isugu jira shacab iyo ciidamadii dagaalamay, waxaana markii danbe iskiis u istaagay dagaalka.
Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo hoostaga Maamulka Koonfur Galbeed ayaan wax War ah kasoo saarin xaaladda ka taagan degmada Wanlaweyn oo ka mida degmooyinka ay sida joogtada ah uga dhacaan shaqaaqooyinka.
