Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Guddoomiye C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa baraha bulshada isku weersaday weerar kale oo siyaasadeed, iyadoo uu bilaabay xildhibaan Fiqi.
Xildhibaan Fiqi ayaa taageeray in la joojiyo canshuurta laga qaado dadka Muqdisho mar haddii la diiday isla xisaabtankii, wuxuuna taagereay tallaabada uu qaaday hanti dhowrka isagoo Yariisow ugu baaqay inuu ogolaado isla xisaabtanka iyo xisaab celinta.
WEERARKII KOOWAAD EE FIQI
Canshuurta Magaalada MUQDISHO intii ay jeeb xun geli lahayd ama si xun loo adeegsan lahaa, ama minishiibiyada qorayaha loo dhiibay ay hal dollar keen qof ku dili lahaayeen, mar haddii la diiday isla xisaabtankii iyo daahfurnaantii, inta isla xisaabtanku uu dhamaanayo walba shacabka xoolahooda haloo baajiyo. Tallaabada uu hantidhowruhu qaaday dadka MUQDISHO waa Soo dhoweynayaan, ciddii diida isla xisaabtanna waxaa la leeyahay “wax la qariyo qurun baa ku jira”. Guddoomiyaha Gobolku waa inuu ogolaadaa isla xisaabtanka iyo xisaab celinta, maadaama uu yahay Guddoomiye Villa Somalia laga Soo magacaabo, wax cudurdaar uma helayo canshuurta uu shacabka Xamar ka aruuriyo inaan lagu xisaabin.
JAWAABTII GUD. YARIISOW
Waxaa nasiib daro ah in Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi uu yiraahdo waxaa lagu noqonayaa 1991dii, halka aan annagana u taaganahay horumarka dalka oo aan dhalinyarada u diyaarineyno mustaqbal wanaagsan oo leh Nabad iyo Nolol. Fiqi Alle ha noo hanuuniyo si uu xaqa iyo horumarka dalka u arko. AAMIIN

JAWAABTII LABAAD EE XILDHIBAAN FIQI
Fallaartani gilgilisho kaagama harayso mudane Guddoomiye” Guddoomiye Abdirahman Omar Osman Yariisow waa dadaalay laakin tani ma ahan wax lagu difaaci karo diidmadaada In la xisaabiyo canshuurta shacabka gobolka Banaadir ay minishiibiyada aad qoryaha u dhiibtay, dharka ciidankana loo geliyey ay kaaga aruuriyaan .. Canshuurta wax adeeg ah looguma qabto dadka laga qaado, In la ogaado jeebabka ay gasho iyo musuqa lagu bixiyo waa lama huraan, waxaana dhamaaday waqtigii maaweelada caruurta iyo isla xisaabtan la’aanta.. Waxa fiican Mudane Guddoomiye In aad jawaab ka bixiso warqadda hantidhowraha qaranka iyo eedaynta laguu Soo jeediyey ee ah inaad diiday xisaabcelintii canshuuraha gobolka Banaadir laga qaado, wixii kale oo aad sheegayso waqtigeeda iyo munaasabadeeda.
WAA SOCOTAA…
Waa markii labaad ee baraha bulshada uu dagaal ku dhex maro labada mas’uul, iyadoo hore ay u heshiiyeen xildhibaanno ku soo baxay dagaalkooda.