Dagaal ayaa mar kale maanta dib uga qarxay degaanka Xeraalka ee Gobolka Ggalgaduud, iyadoo qasaare weyn uu geystay.
Dagaalka oo duhurnimadii Khamiista billowday ayaa ilaa iminka waxaa ku dhintay dad ka badan 20 qof, halka dhaawacana uu kor u dhaafay 40 qof. Dagaalkii maanta ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 15 qof.
Dadka dhaawacmay ayaa la kala geeyey magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq, waxaana labada dhinac ee ku dagaalamaya Xeraalka ay isku horfafiyaan gudaha degaankaasi.
Dagaalka ayaa salka ku haya xiisad todobaadyadii u dambeeyey ka taagnayd deegaanka Xeraale oo u dhaxaysay maamulka Ahlusunna wal Jamaaca oo gacanta ku haya deegaanno ka tirsan gobollada dhexe iyo miliishiyo aan doonayn inay maamulka ka tirsanaadaan.
Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana la maqlayaa rasaas goos-goos ah. Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in halkaa loo diri doono guddi xaqiiqo raadis ah, inkastoo aanu ka hadlin qaabka marka hore dagaalka loo joojinayo.