Monday, July 14, 2025

Dagaal maalintii labaad Muqdisho ku dhex maraya Maleeshiyo iyo ciidamada Booliska

Ciidamada booliska iyo maleeshiyo ayaa ku dagaalamaya xaruntii safaarada Mareykanka Muqdisho oo loo yaqaan Siligga ee degmada Wadajir, G/Banaadir.

Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii maamulada degmooyinka iyo G/banaadir ay ku amreen dadka degan xaafadda Silliga oo isku rarran ah inay ka guuraan si wadooyin looga sameeyo halkaasi, taasoo ay diideen dadka degan oo ay ka mid yihiin maleeshiyo degaan, qaar beeleed iyo qaar kale oo ka mida ciidamada milateriga.

Iska hor imaadka labada dhinac ayaa mar kale saaka dib uga bilowday xaafadda Silliga, waxayna dadka degaanka ee hubka qaatay ay ku doodayaan in dhul aanay lahayn dowladda la doonayo in laga saaro iyadoo aanay jirin meel kale oo la dejinayo.

Degaanka Silliga Xaafadaha ku dhow degaankaasi ayaa laga qaxayaa, waxayna rasaastu saameyn ku yeelatay meelo ka fog goobta lagu dagaalamayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON