Maleeshiyo taabacsan Ahlu suna iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa la sheegay in xalay dagaal ku dhex maray degaanka Godinlabe oo labada ciidan ay isku hor fadhiyeen, iyadoo wararku sheegayaan saaka xaaladu degan tahay.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii maleeshiyo ka kooban ilaa 15 ruux oo taabacsan maamulka Ahlu suna ay galeen guri halkas ku yaala iyagoo abaabul ay ku taageerayaan ka bilaabay degaankaasi, waxaana weerar ku qaaday oo habeen barkii go’doomiyay ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka oo ka yimid Cadaado.
Rasaas la is weydaarsaday kadib waxaa la sheegay in qaar ka mida maleeshiyadii ay baxsadeen iyadoo ilaa 4 kale nolosha lagu qabtay, waxaana xaalada degaankasi la sheegay inay caadi ku soo noqotay kadib iska hor imaadkaasi.
Goobjooge.com