Friday, July 18, 2025

Dagaal Qaraar oo caawa ka socda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu ka socdo duleedka magaalada.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed dhowr jeer ku dagaalamay magaalada Beledweyne iyo degaanada ku xeeran, waxaan dagaalka caawa uu ka qarxay degaanka Doon-Maleyko 10 KM Galbeed magaalada Beledweyne.

Labada beel ayaa wada dega degaanka dagaalku ka socdo, iyadoo dagaalka la soo weriyay inuu yahay kii ugu weynaa muddooyinkan. Dadka Degaanka ayaa sheegay in la is weydaarsaday hubka waaweyn iyo madaafiic.

Qasaaraha dagaalka oo weli hordhac ah ayaa la sheegay in ku dhinteen 2 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaruhu intaas ka sii bato.

Dagaalka dib u soo cusboobaaday ayaa yimid kadib markii labada beelood ay dhowr maalmihii ugu danbeeyay iska dileen Xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne. Waxaa ugu danbeeyay Ganacsade caan ah oo saaka lagu dilay magaalada Beledweyne.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON