Friday, June 27, 2025

Dagaal qaraar oo ka socda Gaalkacyo & magaalada oo qarka u saaran dagaal buuxa

Dagaal xoog leh ayaa saaka dib uga bilowday magaalada Gaalkacyo, iyadoo deryanka hubka waaweyn laga maqlayo galbeedka magaalada.

Wararka saaka laga helayo Magaakada Gaalkacyo ayaa sheegayaan in dagaalka sii xoogeystay, iyadoo labada ciidan ee Maamulada Puntland iyo Galmudug ay qara u saaran yihiin inay galaan dagaal saf balaaran oo saameyn ku yeesha magaalada oo dhan.

Waxaa sii kordhaya baaqyada lagu dalbanayo in dagaalka lagu joojiyo, iyadoo ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uu Garowe ku sugan u muuqdo mid ku fashilmay inuu xaaladda wax ka qabto, isagoo howshiisu ku soo loobantay baaq uu kasoo saaro Garowe.

Xaaladda Gaalkacyo ayaa sii xumaaneysa, waxaana hore dadkii deganaa uga barakaceen galbeedka magaalada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON