Tuesday, June 24, 2025

Dagaal saaka ka qarxay Gobolka Sh/hoose & Degaano laga qabsaday Alshabaab

Wararka laga helayo Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka qarxay degaano ka mida  gobolka.

Ciidamada huwanta ee Soomaaliya iyo AMISOM oo ay wehliyaan ciidamo Mareykan ah ayaa la sheegay inay saaka weerar kula jarmadeen degaanka Bariire ee degmada Awddhiigle, halkaasoo dagaal culus uu ku dhex maray.

Dadka Degaanka ayaa sheegaya inay maqleen hubka culus ee labada dhinac is weydaarsadanayaan, waxaana wararka qaar sheegayaan in maleeshiyada Alshabaab ay isaga baxeen degaanka Bariire.

Ma cadda qasaaraha ka dhashay  dagaalka oo weli socda, waxaana hore ay ciidamadan weerarro ugu qaadeen isla degaanka Bariire iyo degaano kale oo ay dib uga baxeen saacado kadib.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON