Wednesday, June 25, 2025

Dagaal Sharci oo ka dhex Qarxay Hanti-dhowrka & Gudoomiye Yariisow.. [Qoraalka Garyaqaanka Guud]

Xaaladda ka dhex taagan Hanti-dhowrka Guud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa isu bedeshay mid sharci markii Guddoomiyaha Gobolka C/raxmaan Yariisow uu qoraal u diray Garyaqaanka guud ee dowladda, kana codsaday talo sharciyeed.

Garyaqaanka Guud ee dowladda Dr Cismaan Cilmi Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay arrinta ka dhex taagan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hanti dhowrka, wuxuuna sheegay in maamulka Gobolka Banaadir la mid yahay Gobollada kale ee dalka, isla markaana heer federaal sharciyadii loogu talogalay aanay dhammeystirneyn, sidaas darteedna xafiiska hantidhowrka uu kaliya baari karo miisaaniyadda ay dowladda dhexe siiso G/Banaadir.

Hanti dhowraha Guud Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa iska dhega mariyey talada Garyaqaanka dowladda, wuxuuna shalay soo saaray amar uu ku xayiray in maamulka Gobolka Banaadir wax lacag ah kala baxo xisaabaadka uga furan bankiyada gaarka loo leeyahay ee magaalada Muqdisho, arrintaas oo xaaladda uga sii dartay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA GARYAQAANKA GUUD

– Hanti dhowrka oo baaritaan ku wada Maamulka G/Banadir [Yariisow oo laga xayiray inuu lacag la baxo]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON