Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Somaliland iyo Puntland ayaa saakay dib uga qarxay degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa warkan xaqiijiyay, wuxuuna sheegay in laba jiho ay Ciidanka Puntland ka soo weerareen kuwa Somaliland.
Dhanka maamulka Puntland saraakiil amni oo u hadashay ayaa waxay xaqiijiyeen in dagaalka uu jiro, balse hada aanay faahfaahin bixin karin.
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu booqasho ku kala bixiyay Puntland iyo Somaliland Isaga oo ku baaqay in colaadda la joojiyo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in weli dagaalku socdo ayna jiraan qasaare kala duwan.