Sunday, July 13, 2025

Dagaal u dhaxeeya Iiraan iyo Isra’iil oo ka qarxay dalka Suuriya & Cabsi laga qabo inuu sii xoogeysto

Israel ayaa maanta sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay duqeeyeen saldhigyo milatariga Iiran ay ku leeyihiin gudaha dalka Syria, iyaga oo ka jawaabaya gantaaallo Iran ay kusoo ridday ciidamada Israel ee haysta buuraleyda Golan Heights.

Israel waxa ay sidoo kale ka digtay “inaysan u ogolaan doonin in halista Iiran laga aasaaso gudaha Syria”, isla markaana dowladda Syria ay mas’uul ka noqon doonto “Wax walba oo ka dhaca gudaha dalkeeda.”

Wasiirka gaashaandhigga Israel, Avigdor Lieberman ayaa sheegay in Israel ay duqeysay ku dhowaad dhammaan saldhigyada Iran ee gudaha Syria. Iran ayaa waxa ay isbaheysi la tahay Syria, waxaana ciidamadeeda milatariga ay taageerayeen madaxweyne Bashar Al-Assad.

War ay soo saartay Iiraan ayaa goor dhoweyd lagu sheegay in Iiran ay in Israa’iil haddii ay tijaabineyso awoodda Iiraan ee dala Suuriya ay ka shalaayi doonto, waxayna intaas ku dartay inay diyaar u tahay inay Israa’iil la gaarto heerka ay dooneyso.

Dalalka Ruushka iyo Midowg Yurub ayaa walaac ka muujiyey isku dhaca iyo dagaalka u dhaxeeya Iiraan iyo Iiran ee gudaha Suuriya a dhacay, waxayna ku baaqeen in xiisadda la yareeyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON