Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu dagaal ka qarxay duleedka Magaalada Gaalkacyo.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamo maleeshiyo ah oo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug, sida ay sheegeen dadka degaanka, waxay labada dhinac is weydaarsanayaan hub culus, rasaasta ayaana laga maqlayaa magaalada Gaalkacyo.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in labada dhinac ay gurmad ka heleen magaalada Gaalkacyo, waxaana hadda uun soo baxaya qasaaraha dagaalkani ka dhashay.
Dagaalka oo ka dhacaya degaanka Godad oo u dhow Jeexdin ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa ka dhacay dilal la xiriira aanooyin qabiil, kadibna ay xaaladu isu bedeshay dagaal weyn