Saturday, June 28, 2025

Dagaalka Ganacsi ee Mareykanka iyo Shiinaha oo ka sii daray & Canshuur cusub oo lagu soo rogayo Shiinaha

Iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka Ganacsi ee dalalka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa dowladda Mareykanka ay wadaa qorshe kale oo ay dooneyso inay canshuur dheeraad ah oo gaareysa 25% ay ku soo rogto badeecadaha looga soo dhooofiyo dalka Shiinaha.

Canshuurtani cusub ayaa 10% ka badan canshuurtii kal hore la saadaalinayay. Qorshaha canshuurta cusub ee Mareykanka ayay suurtagal tahay in la shaaciyo maanta balse sida ay sheegayaan warbaahinta Mareykanka ilaa iyo haatan la isla meel dhigin kordhinta canshuurtaasi iyo alaabta ay saameyn doonto.

Haddii Mareykanka uu ka dhabeeyo arrintani, waxaa cirka isku sii shareeri doona dagaalka Ganacsi Mareykanka iyo Shiinaha, kasoo uu bilaabay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii July ee la soo dhaafay shaacisay in qaar ka mida badeecadaha Shiinaha laga soo dhoofiyo lagu soo rogayo canshuur laga billaabo bisha Sebteembar ee sanadkan. Shiinaha ayaa dhankiisa canshuur la mid ah tan Mareykanka ku soo roday baayacmushtariga looga soo dhoofiyo dhanka Mareykanka.

Xiisadda u dhaxeysa labadani waddan ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo markii madaxweyne Trump uu shaaciyay in uu diyaar u yahay in canshuur uu ku soo rogo dhammaan waxyaabaha dalkiisa looga soo dhoofiyo Shiinaha.

Mareykanka ayaa Shiinaha ku eedeynaya xatooyo dhanka farsamada ah, wuxuuna sheegay in uu doonayo in uu yareeyo farqiga u dhaxeeya macaashka ganacsi ee Shiinaha ka helo Mareykanka iyo kan Mareykanka uu ka helo Shiinaha.

Balse murankani ganacsi ee u dhaxeeya labadani dal ayaa loo arkaa in uu qeyb ka yahay loolanka labadani dal ay ugu jiraan saameynta ay ku leeyihiin caalamka.

Isniintii la soo dhaafay ayaa xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo waxa uu shaaciyay qorshe uu ku baxayo 113 milyan oo doolar oo Mareykanka uu ku maalgelinayo qaaradda Aasiya, arrintaa oo u muuqata mid Mareykanka uu ku doonayo in uu ugu babacdhigo saameynta Shiinaha uu ku leeyahay qaaradda Aasiya.

Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaya in saraakiil ka kala socota Mareykanka iyo Shiinaha ay hadda ka wadahadlayaan sidii loo dejin lahaa xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON