Warbaahinta dalalka Sacuudiga iyo Qatar ayaa weerar culus ka dhex qarxay iyadoo arrinta la isku hayo ay markan tahay Xajka oo dowladda Qatar ay ku doodeyso in Sacuudigu siyaasadeynayo, kana hor istaagay xujeydii dalkaasi inay gutaan Waajibaadja Xajka.
Sacuudiga ayaa dhinaceeda ku andacooneysa in xajku furan yahay dadka reer Qatar-na ay imaan karaan, balse nidaamka Qatar oo isagu hor istaagay dadkiisa, dano gaar ahna uu ka leeyahay arrintan, waxaana wargeysyada waaweyn ee labada dal iyo warbaahintooda kale ka socda dagaal culus oo aan waxba la isula harin.
Warbaahinta Sacuudiga sida wargeysyada dalkaasi ee ugu waaweyn ayaa soo sawiray Kaartoono ay ku ceebeynayaan mas’uuliyiinta Qatar oo ogolaaday inay ciyaaryahannada dalkaasi u dhoofaan dalalka Khaliijka balse ay xujeyda u diideen, waxaana cinwaano waaweyn lagu soo qoray in nidaamka Qatar uu dadkiisa ka hor istaagay xajka.
Warbaahinta Qatar ayaa dhinaceeda Sacuudiga ku eedeyneysa inuu siyaasadeeyay Xajkii islaamka, isla markaana aanu awood u lahayn inuu maamulo cibaado ka dhaxeysa dalalka islaamka oo dhan, halkaasoo ay jirto arrin ku saabsan in xajka loo xil saaro hay’ad islaami ah oo ka madax bannaan nidaamka Sacuudiga.
Dagaalka warbaahinta ayaa sidoo kale ka socda baraha bulshada siiba twitter-ka oo ah barta ugu weyn carabtu ku dagaalanto iyadoo ay jiraan ciidamo electronic ah oo dalalkaasi ay isu adeegsadaan.