Monday, June 23, 2025

Dagaalkii Qaboobaa ee Dunida uu dib u soo laabtay & Safiirada Ruushka, Mareykanka iyo UK oo ereyo kulul is weydaarsaday

Xoghayaha guud ee Q/Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inay dunida dib ugu laabatay dagaalkii qaboobaa ee bilowday kadib dagaalweynihii labaad ee dunida.

Isagoo ka hadlayay fadhiga Golaha Amaanka ee Q/Midoobay oo looga hadlayey xaaladda Suuriya ayuu sheegay Antonio Guterres  inuu si nasiib darro ah u soo laabtay dagaalkii qaboobaa, isla markaana ay halis tahay xaaladda, isagoo a codsaday in la muujiyo mas’uuliyad xaaladda halista ah ee lagu jiro.

Fadhiga Golaha ammaanka ayaa ereyo kulul oo aan hore loo arag waxaa isku dhaafsaday safiirada Ruushka, Mareykanka iyo Ingiriiska u fadhiga Q/Midoobay, wuxuuna Ruushka ku eedeeyay Ingiriiskainay been abuurtay weerar kiimiko loo adeegsaday.

Ad

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in UK ay qeyb ka ahayd weerar been abuur Kiimiko ah oo lagu jilay magaalada Douma, waxaana ay sheegeen inay hayaan dadkii ka qeyb qaatay arrintaasi.

Golaha Ammaaka ayaa noqday goobta ugu weyn ee dalalka reer Galbeedka iyo Ruushka ay ka jeediyaan hadallo ay isku weerarrayaan, waxaana dhinaca Suuriya ka socda diyaar garow Ruuskhku ka wado iyo weerar la filayo inay Mareykanka iyo dalal kale ku qaadaan Suuriya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON