Sunday, July 13, 2025

Dalab ka yimid Madaxweyne Farmaajo oo dib loogu dhigay Caleemo saarkii Madaxweynaha Galmudug

Calaamo saarkii Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa dib u dhac ku yimid, kadib markii uu dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in caleema-saarka Xaaf oo dhici lahayd 24-ka bishan May in dib loo dhigay ilaa 27-ka, taasoo ay keentay dalab ka yimid madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Safarrada Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaliyay inuu waqtigu ku yaraado madaxweyne Farmaajo oo doonaya inuu ka qeyb galo xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Galmudug oo la doorta 3-dii bisgan May.

Madaxweynaha  Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa laf ahaantiiisa ka qeyb galay shirkii London  iyadoo aan la caleemo saarin, taasoo khilaaf kala dhex dhigtay  madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON