Waxaa magaalada ku qulqulaya wafdiyo ka kala socdad dalal kala duwan oo ka qeyb galeya caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la doortay 16 May 2022.
Madaxda Sare ee dalalka deriska ah iyo kuwa saaxiibada la ah Soomaaliya ayaa la filayaa inay Berri oo Khamiis ah soo gaaraan Muqdisho, laakiin waxaa muddo saddex maalmood ah Muqdisho ku qulqulayey wafdiyo hordhac ah iyo kuwo rasmi ah oo caleemo-saarka ka qeyb galaya.
Wafdiyadii ugu danbeeyay ee maanta oo Arbaco ah kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Aden Adde ee magaalada Muqdisho waxaa ka mida mas’uuliyiin ka socota dalalka: India, Indonesia, Cummaan iyo wafdi ka socda ururka Jaamacadda Caraba, iyagoo ka qeyb galaya xafladda caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa hore Muqdisho u yimid wafdiyo kale oo ka socday dalalka: Turkiga, Itoobiya, Uganda, Kenya, Jabuuti iyo Bahrain. Dalalka qaarkood ayaa markii ugu horeysay ka qeyb galaya xafladda caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa kaloo caleemo-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh kaqeyb galaya wafdi ka socda ururka ONLF oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha ONLF C/raxmaan Mahadi oo ka mida ururrada siyaasadda Soomaalida Itoobiya oo hore u ahaa Jabhad hubeysan oo ka horjeeda dawladda Itoobiya.
Madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Suudaan Taban Deng Gai, ayaa ka mida madaxda maanta lagu soo dhoweeyay Muqdisho ee ka qeyb galeysa caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale Xildhibaan Yuusuf Xasan iyo qaar ka mida ganacsatada Soomaalida Kenya ayaa yimid Muqdisho.
Dalalka ka qeyb galaya caleemo-saarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray 20 dal oo mas’uuliyiin ka socota, sida ay qortay warbaahinta dowladda, waana wafdiyadii ugu badnaa.
Madaxda dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa la filayaa inay Berri soo gaaraan magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loo adkeeyay amniga caasimadda, iyadoo lagu jiro diyaar garowgii ugu danbeeyay ee munaabadda 9-ka June 2022.



