Dalalka Carabta ee taageersan Sacuudiga ayaa bilaabay inay soo saaraan war-saxaafadeedyo lagu taageerayo Boqorka Sacuudiga iyo Go’aanka Sacuudigu ka qaatay dilkii saxafiga Jamal Kashoqgi.
Dalkii ugu horeeyay ee Sacuudiga ku bogaadiyey tallaabada uu qaaday wuxuu ahaa Masar oo madaxweynaha dalkaasi uu telefoon kula xiriiray Boqor Salman, isagoo u cadeeeyay inay Masar garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana uu soo dhoweynayo go’aanadda kasoo baxay Xeer ilaalinta Sacuudiga oo ku dadaallaya in si cadaalad ah loo wajaho kiiska dilka saxafiga.
Dalkii ugu horeeyay ee War-saxaafadeed kasoo saaray taageerada Sacuudiga ayaa noqday dalka Jabuuti oo qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda dalkaasi ayaa lagu sheegay inay si weyn u soo dhoweynayo sida cadaaladda ku dheehan ee Boqorka Sacuudiga u wajahay baaritaanka dilka Saxafiga, iyadoo Boqorka iyo dowladda Sacuudiga ku amaanay baaritaanka cad ee lag sameeyay kiiskan, waxayna tacsi u dirtay qoyska Jamal Kashoqgi.
Waxaa kaloo si weyn Sacuudiga u taageeray dalalka Imaaraadka, Baxreyn, Falastiin, ururka islaamka iyo dalal kale, waxaana la filayaa in dalal kale oo fara badan oo Soomaalaya ka mid tahay ay war-saxaafadeedyadan oo kale soo saaraan.
جيبوتي تدع وتثني علي القرارات التي اتخذها خادم الحرمين الشريفين الملك سلمان بن عبد العزيز لمعاقبة من تورط في اغتيال الصحفي السعودي جمال خاشقجي
— Mahmoud Ali youssouf (@Ymahmoudali) October 20, 2018