Thursday, June 26, 2025

Dalalka Somalia iyo Turkiga oo Heshiis Dhul isweydarsi ah ku saxiixay Magaalada Istanbul [Sawirro]

Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis la sheegay inuu taariikhi yahay oo labada dal ay isku weydaarsadeen dhulka labada safaaradood ee Somalia iyo Turkiga ku kala leeyihiin Muqdisho iyo Ankara.

Labada Wasiir ee Arimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Turkiga
Mevlüt Çavuşoğlu oo ka wada qeyb galay shirkii aan caadiga ahayn ee Waddama Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ay ku yeesheen qabteen magaalada Istanbul 21-22 Maarso 2019 ayay qalinka ku duugeen saxiixa heshiiska ku saabsan inay iswaydaarsadeena labada dhul ee safaaradaha labada dal ku kala leeyihiin Muqdisho iyo Ankara.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa Turkiga u tegay ka qeybgalka shirka uu guddoominayey Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalk Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu , iyadoo laga soo saaray qoraal lagu dhaleecaynayo fikirka caalamka ku soo kordhaya ee Islaam nacayb ka ah ee loo yaqaan (Islamophobia) iyada oo loogu baaqay hay’adaha caalamiga iyo kuwa heer gobolba in loo aqoonsado maalinta 15 Maarso maalin caalami ah oo lagu hor-istaago fikirka iyo falalka Islaam-nacaybka.

Waxaa isaguna shirka lagu casumay oo joogey Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka New Zealand H. E Winston Peters oo khudbad qiiro leh ka jeediyey shirka, iyada oo ka soo qayb galayaashii shirku ku bogaadiyeen go’aanka iyo doorka wanaagsan ee xukuumadda New Zealand ay ka qaadatay dhacdadan gaar ahaan Raysal Wasaaraha dalka H. E Jacinda Ardern.

Shirkan oo la qabtay asbuuc ka dib maalintii dhibaatadu dhacday waxay ka soo qayb galayaashii shirku ku ammaaneen dawladda Turkey sida fiican ee ay u soo agaasintay waxaana soo xidhay shirka madaxweynaha dalka Turkey Mudane Recep Tayyip Erdogan.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit
Image may contain: 2 people
Image may contain: 1 person
Image may contain: 1 person
Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suit

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON