Dalka Canada oo megangelyo siiyey Gabar Sacuudiyaan oo ka baxday Diinta Islaamka, kana baxstay Qoyskeeda [Sawirro]

Gabar Sacuudiyaan ah oo arrinteeda dunida qabsatay maalmihii ugu danbeeyay, kadib markii ay ka baxsatay qoyskeeda oo ku sugnaa dalka Kuwait, iyadoo diyaarad u raacday dalka Australia, laakiin waxay ku xayirantay Garoonka Bangkok ee dalka Thailand ayaa hadda la helay dal qaabila oo siiyey megangalyo.

Gabadhan oo 18 sano jir ayaa hadda waxaa megangalyo laga siiyey dalka Canada sida uu shaaciyey Ra’iisal wasaaraha dalkaasi, waxayna arrintan ka dambeysay markii ay gabadhan sheegatay inay diinta islaamka ka baxday, haddii lagu celiyo Sacuudigana la dili doono.

Raxaf Maxamed al-Qunu, oo ah 18-jir ayaa xaaladeeda waxaa gacanta ku hayey hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR, waxaana la raadinayeydal qaata oo siiya megangalyo, markii dowladda Thailand ay ogolaaday inaysan ku celin dalkii ay ka timid ee Kuwait.

Ad

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa waxa ay sheegtay in gabadhiisa ay tahay qaxooti dhab ah. Saraakiisha socdaalka ee Thailand ayaa bilowgii hore sheegay in gabadhaasi ay tahay inay dib ugu laabato Kuwayt, halkaas oo ay qoyskeeda ku sugayaan, laakiin cadaadis uga yimid Q/Midoobay ayey u ogolaatay inay is dhaafiso.

Canadian Prime Minister Justin Trudeau. Picture: AFP

Ra’iial wasaaraha Canada Justin Tredue ayaa sheegay in dalka Canada uu yahay dal ogsoon muhiimada ay leedahay xuquuqda insaanka iyo xuquuqda haweenka, wuxuuna xaqiijiyey inay aqbaleen codsigii Hay’adda UNHCR ee ahaa inay megangalyo siiyaan gabadha Sacuudiyaanka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

119,300FansLike
749FollowersFollow
2,871FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!