Dawladda Qatar ayaa si dhamaystiran u soo celisay calaaqaadkii dublamaasiyadeed ee ay dawladda Iiraan la lahaan jirtay, iyada oo iska dhago tiraysa dalabkii kaga yimid dalalka Carbeed ee ahaa in ay hoos u sii dhigto xiriirka ay dalkaas la leedahay.
Qatar ayaa safiirkeeda u yeertay sannadkii 2016kii ka dib markii la weeraray xafiiskii dublamaasiyadda Sacuudiga ee Iiraan ku yaalay, ka dib markii Sacuudiga lagu dilay sheekh ka mid ah ahaa dadka magaca ku leh Shiicada.
Laakiin hadda Qatar ayaa doonaysa in ay xoojiso xiriirka ay Iiraan la leedahay . Iiraan ayaa Qatar gacan ka siisay hoos u dhigitaanka saamaynta ay ku yeelanayso xayiraadaha safarka iyo kuwa ganacsiga ee ay tan iyo bishii Juunyo ku soo rogeen dalalka Carbeed ee awooda badan ee ay dariska yihiin.
Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxrayn ayaa Qatar ku eedeeyay in ay taageerto argagixisada gobolka oo dhan iyo in ay u dhawdahay dawladda Iiraan. Qadar way diiday dhammaan eedaymahaas.
Isbaheysiga Sacuudiga ayaa canbaareeyay tallaabadan, iyadoo wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Ahmed Qarqash uu ku tilmaamay tallaabo aan laga fiirsan.
Qatar ma aysan sheegin goorta uu safiirkeedu dib ugu laaban doono Tehran, laakiin ku dhawaaqitaankan ayaa yimid ka dib markii Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda Sheekh Maxamed binu Cabdiraxmaan Al Thani uu khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa Iiraan Maxamed Javad Zarif.
Dhanka kalana dawladda Qatar ayaa amartay in albaabada loo laabo safaaradda Chad, dublamaasiyiintii ka shaqaynayayna waxaa loo qabtay in ay dalka isaga baxaan 72 gudahood, sida ay Khamiistii sheegtay Wasaaradda Ariimaha Dibadda ee Iiraan.