Dalka Brunei Darusalam oo ah dal yar oo qani ah kuna yaalla Aasiya ayaa ku dhawaaqay in Arbacadii 3 April 2019 dalkaasi ay ka dhaqan gashay ku dhaqanka Shareecada Islaamka, kadib markii muddo sanado ah dib loo dhigayey.
Brunei waa mid ka mida dalalka ugu qanisan caalamka, waana dal yar oo u dhaxeeya Maleysia iyo Badda China, iyadoo dadka ku nool ay ka yar yihiin 450,000 qof, waxaa ka taliya Hassanal Bolkiah oo ah suldaankii 29aad ee dalkaasi oo ah Imaaraad ay ka taliso boqortooyo.
Brunei, oo ku taalla Koonfur Bari Asia, ayaa markii ugu horreysay sharcigan ku dhowaaqday sanadkii 2013, hase yeeshee fulintiisa ayaa waxaa dib loo dhigay dhowr mar, kadib markii ay si aad ah u mucaaradeen dhinacyo kala duwan.
Midowga Yurub ayaa ugu horeeyay cambaareeynta tallaabada ay ku dhaqaaqday Brunei Darusalam shareecada ee ah in Islaamka, waxayna si gaara u tilmaameen in ciqaabta “arxan-darrada ah” ee sharciga uu ogolaanayo ay ka dhigan tahay jirdil iyo jebinta heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Warbaahinta reer Galbeedka ayaa olole dacaaayad ah ku qaaday dalka Brunei, iyadoo arrinta ugu weyn ee lagu heysto ay noqotay in shareecada islaamka ay qabto in dhagax lagu dilo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, taasoo noqotay qodobka ugu weyn ee lagu ceebeynayo fulinta Shareecada.
Brunei, oo ah boqortooyo uu muddo 51 sano ah xukumayey Sultan Hassanal Bolkiah, ayaa sheegtay in ku dhaqanka shareecada Islaamka ay dalkaas ka billaabatay maanta.
Waxa socda olole lagu baaqayo in la qaadaco dalkaasi ama la go’doomiyo, iyadoo shirkado diyaaradeed, hoteelo iyo shaqsiyaad caan ah ay ku baaqeen in dalkaasi cadaadis la saaro.
Sharcigan ayaa Brunei ka dhigaya dalka kaliya ee Bariga ama Koonfurta Bari ee Asia ee si heer qaran u dhaqan-geliya ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna ku biirayaa dhowr dal oo badankood ku yaalla Bariga Dhexe, sida Sacuudi Carabiya, oo shareecada looga dhaqmo.