Itoobiya oo shaacisay Warbixinta baaritaanka Diyaaradii dhacday ee Ethiopian Airlines [Maxaa qabsaday..?]

Dowladda Itoobiya ayaa goor dhoweyd shaacisay warbixinta baaritaankii lagu sameeyay diyaaradda Ethiopian Airlines ee burburtay bishii Maarso, kadib markii ay ka duushay Garoonka Bole International ee magaalada Addis ababa.

Wasiirka gaadiidka ee dalka Itoobiya Dagmawit Moges iyo mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Ethiopian Airlines oo shir jaraa’id goor dhow ku qabtay magaalada Addis ababa ayaa faahfaaahin ka bixiyey warbixinta hordhacaha ah ee ka soo baxday baaritaankii lagu sameeyay diyaaradii Boeing 737 Max 8.

Ad

Wasiirka gaadiidka ee Itoobiya Dagmawit Moges ayaa sheegtay in Diyaaradda ay heysaay shahaaddo sharci ah si ay u duusho, isla markaana Shaqaalaha ay heysteen ruqsad sax ah oo duulimaad, sidoo kalena kicitaanka diyaaradda uu si caadi ah u qabsoomay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shaqaalihii diyaarada ay sameeyeen wax kasta oo karaankooda ah si ay diyaaradda u badbaadiyeen, iyadoo sameeyay nidaamkii ay dejisay shirkadda Boeing si marka ay timaaddo xaalad degdeg ah loola tacaalo diyaaradda, balse ay xakamayn waayeen dadaalkoodiina shaqeyn waayay.

Itoobiya ayaa sheegtay in diyaaradda aysan la kulmi cilad kale iyo wax dibada uga dhacay sida Shimbir oo ay baahiyeen warbaahinta qaar, waxayan sheegeen in sababta dhicitaanka diyaarada ay ahayd mid iyada ka timid, taasoo caddeynteeda looga fadhiyo shirkadda Boeing.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

129,356FansLike
1,243FollowersFollow
3,414FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!