Wednesday, July 16, 2025

“Dalka waa inaan u adeegnaa ama uu kaa nabad galaa”. (Farriin ka timid Yuusuf Garaad markii la magacabay)

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga mahadceliyay u magacaabidda magacaabo Ergeyga Gaarka ag ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Wuxuu sheegay inuu si daacadnimo ah kartidiisa, khibraddiisa iyo aqoontiisa oo dhan uu dul dhigayo mas’uuliyadda loo xilsaaray. “Xilli doorasho iyo xilli kastaba, Arrimaha waaweyn ee mandiqaddan ka taagan waa kuwo toos u saameeya Dowladnimada, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo horumarka dalka iyo dadkeenna Soomaaliyeed. Saameyntaasi waa mid maanta ah iyo mid istaraatiijiyadeed oo mustaqbalka ah” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Wuxuu farriin uu diray ku sheegay in dadka aan dooneyn inay dalka u adeegaa xilligan laga nabad galo. “Dalka waan wada leennahay, waana in aan u wada adeegnaa. Sabab kasta ha keentee, qofkii aan taasi suurta gal u ahayn ama ka ahayn, ugu yaraan waa in uu dalku ka nabad galaa, sidoo kalena ay ka nabad galaan inta u adeegeysa iyo inta hore ugu soo adeegtay” ayuuna farriintiisa ku yiri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON